Kacdoonka looga soo Horjeedo Shariif Xasan RUN IYO BEEN!

0
74

Waxaan filaayaa in aanay maanta su’aali ka taagnayn in guud ahaan Ummadda reer KoonfurGalbeed Soomaaliya ay u baahan yihiin inay iska qaadaan HEERYADA uu saaray maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan sidaa si la mid ahna ay u istaagaan inay dib u hantaan MAAMULKOODA iyo MAS’UULIYADOODUBA!

Waa dhab in dayaca la dayacay dadka reer KoonfurGalbeed iyo kala goyntii Ummadda loo kala gooyay labada qaybood(Jubaland iyo KoonfurGalbeed sedex gobol) aanu SHARIIF kali ku ahayn oo ay la wadaageen Khiyaanooyinkaas uu Ummaddu kula kacay SHARIIF qaar ka mid ah MALAAQYADA iyo SALAADIINTA DIGIL iyoMIRIFLE, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haween, Aqoonyahano, Bulshada Rayidka, Qurbajoog, Suxufiyiin iyo Dhalinyaro waxaa sidoo kale hadana marag madoonta ah in Shariif uu ku dayacay kuna kala gooyay Ummadda Sakiintiisa isagoo Dulaal u ah cadowga ummadda reer KoonfurGalbeed Soomaaliya ee HAWIYE iyo DAAROOD oo ayagu ah kuwa kaliya ee ka macaasha dhibaataynta Shacab weynaha reer KoonfurGalbeed.

Taageerayaashii Shariif ku taageeray Shalay kala goynta ummaddan ayaa hadana qaarkood waxay maanta tilmaamayaan Khiyaanadii iyagu garabka ku siiyeen Shariif iyagoo ummaddana u muujinaya in uu waxa ummadda kala gooyay uu yahay Shariif kaliya!?

Run ahaantii waa ayaan darooyin is biirsaday oo ku habsaday Shacbi weynaha KoonfurGalbeed Soomaaliya kol hadii waxa ay Siyaasiyiinteena maanta Mucaarad iyo Muxaafidba ay u tartamayaan uu yahay u khidmaynta cadawga Ummadda.

Bal aan dib u eegno dadka maanta horboodaya waxa loo yeero Kacdoonka looga soo horjeedo Maamulka Maqaar saarka ah ee Shariif Xasan si aynu u ogaano halka uu biyo dhacoodu yahay.

*Salaadiinta iyo Malaaqyada.

Wax la qarin karo ma ahan in Kooxdan sheegatay kacdoonku ay gadaal ka riixayaan qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle oo ay u horeeyaan Maalaaq Ibrahim Cali Leysaamow Malaaqa Geelidle,Maxamed Yacquub Sheekh Deeroow Malaaqa Disow,Buuwe Cabdule Buuwe Sudaanka Begedi,Warsame Caliyow Ibrow Suldaanka Jiido iyo Siidow Muuse Maadow Suldaanka Shanta Caleen.

Shakhsiyaadkan aan kor ku soo sheegnay ayaa horey waxa ay uga mid ahaayeen koox Odayaal dhaqameed ahaa oo kasoo jeeda Digil iyo Mirifle oo Shariif ku taageeray fekerkiisii uu ku kala gooyay ummadda reer KoonfurGalbeed kuna noqday Madaxweyne.

*Siyaasiyiin.

Waxaa marag madoonta ah in Kooxdan sheegata kacdoonku qayb weyn ka yihiin Siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay Soomaaliya balse haatan uu Shariif howlgab ka wada dhigay sidaasina ay haatan Shariif uga soo horjeesteen Siyaasiyiintaasna waxaa ka mid ah Khaalid Cumar Cali oo beeshiisa ku diiday inuu u noqdo markale Xildhibaan,Khaalid Cumar Cali iyo Suldaanka Beeshiisa Buuwe Cabdule Buuwe ayaa waxay qayb ka ahaayeen u fududeyntii Madaxweyne Xasan Shiikh loo fududeeyay kala daadintii Dowladii maamulka KoonfurGalbeed lix gobol ee uu Madaxweyne ka ahaa Madoobe Nuunoow,Balanqaadyo badan oo ay la galeen Khaalid Cumar Cali iyo Suldaanka Buuwe Cabdule Buuwe, Shariif Xasan oo shaqeyn waayay darteed ayaa waxaa labadooduba irdaha kasoo xirtay maamulka Shariif taasina waxay dibada u soo saartay caradoodii sidaasina waxay ku taageereen kooxdan isugu yeertay Kacdoonka.

Sidsoo kale Saalah Sheekh Cismaan oo hubaal u helay in aanu qayb ka noqon doonin hogaan siyaasadeed oo ay ummaddu leedahay ayaa dhankiisa waxa uu u howl galay inuu ismuujiyo isagaa talaabadiisa ismuujineedna uu u maraayo maalgelinta Kooxdan isagoo weliba saaxiibo dhow ka dhiganaaya reer Xididkiisa oo beryahan ay aad isu hayaan Shariif iyo Koox Siyaasiyiin hore ahaa oo haatan Shariif meel cidla ah soo wada dhigay sida Macali Bare,Wasiir Beegoos, Cabdirisaaq Sheekh,Amina Mursal iyo Samaan Maxamed Daahir.

Inkasta oo horboodayaasha beelaha gobolka Shabeelaha hoose DigilBiyo-Maal Riwaayadan ma dhamaatada ah ummadda u jilayaan ayaa waxaa hadana hubaal ah in Mashiinka gadaal ka riixayo uu yahay Isbahaysiga EelaayDisow ee gadaal ka riixayaan Afhayeen Jawaari iyo Wasiir hore Farkeeti oo iyaga talo ku goostay inay Shariif xukunka ka tuuraan iyadoo taa bedelkeedana Shariif dabada la galay isbagheysiga HariinLaysaan oo Runtii Shariif u ah xeendaab adag oo ayan wax badan ka sameyn karin Mucaaradkiisa.

*Ganacsato.

Inkasta oo dhaqaalaha ay kooxdani haatan ku dhaqdhaqaado uu yahay mid ay shaqsiyaad Ganacsato ah bixinayaan ayaa waxaa hadana la dhayalsan karin kaalinta ay ku leeyihiin Ganacsatada kasoo jeeda Beelaha Hawiye si gaar ah Abgaal,Murusade iyo Habargidir oo runtii iyaga iyo Shariif isku haya Qandaraasyada maamulka Shariif uu bixiyo.
Waxaa iyana xaqiiq aan la dafiri karin ah in qaar ka mid ah Haweenka,Aqoonyahanada,Bulshada Rayidka,Qurbajoogta,Suxufiyiin iyo Dhalinyaraduba ay qayb ka ahaayeen dhibta dhacday haatana ay qayb ka yihiin waxa loogu yeero Kacdoonka lagu ridaayo Shariif iyagoo aanay waxba iska weydiin halka laga yimid iyo meesha loo socdo intuba waxa kaliya ee hogaanka u hayaana ay yihiin koox yar oo Qandaraaslayaal ah oo iyaga iyo Shariif Biyo hoostiis iska arkay.

*Ridida Shariif.

In maamulka Shariif masraxa laga saaro maanta ma ahan arin ku culus bulshada KoonfurGalbeed kolka dhan kasta laga fiiriyo maadaama uu maamulka Shariif uu maanta iskiis u dhintay dhan walba kolka laga eego sida Maamulka,Siyaasada,Dhaqaalaha,Amniga iyo weliba isagoo lumiyay Kalsoonidii Bulshadana,Maamulka sidan u liito ayaa hadana si looga badbaadiyo wax yeeladiisa Bulshada waxaa aad loogu baahi qabaa Kaadiriin leh Aqoon iyo Garasho xeel dheer oo weliba qadiyad ummaddeedna u dheer tahay oo u istaaga Badbaadinta ummadda taasi oo aan maanta muuqan kana muuqan Kooxdan aragtidooda oo dhami sal dhigatay sidii Shariif Kursiga uga Boobi lahaayeen.

*Qorshaha Kacdoonka.

Ilaa iyo Maanta ma hayno wax ka badan in kooxdan isku magacawday Kacdoonka ay rabaan inay bedelaan maamulka Shariif Xasan waxaan ahayn, Hadalhayntooda ugu badani waa wax aan dhaafsiisnayn damac aan Xisaab iyo Caqli midna aan sal looga dhigin sida dooda ku saabsan Madaxweyne ku xigeen la siiyo Beesha Biyo-Maal, Ma Shariif baa leh inuu beel siiyo waxa uu doono mise Shacabka?

Waxaana sidoo kale cidiba wax iska weydiin in beeshu mudan tahay iyo in kale!

Waa iga su’aale maxaa uga qorshaysan Maamulka Ummadda?

A- Muxuu yahay hiigsigoodu?

B- Barnaamijse ma leeyihiin?

C- Xagee ayay rabaan inay wax ka bilaabaan kuna dhameeyaan?
Sideese wax u rabaan?

Mise xaalku waa kii Muqdisho oo bal aan ridno anaga waan heshiinaynaaye!!!!

*Maslaxada ummadda.

War iyo gebagebadii “Miro gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadiyo” Dabcan waa hubaal in ruuxkasta oo reer KoonfurGalbeed ahi uu aad u daneynaayo in ummaddani ay yeelato maamul iyaga ka dhashay oo aan loo dhalin,Udeega oo aan loo adeegsan,Daneeya oo aan ka daneysan,Haybad u yeela ee aan Haybad tirin,Danahooda ku Hanuuniya ee Hurdasiin IWM.
Inloo guntado lagana wada shaqeeyo oo loo shaqeeyo ummadda halku dhigana uu ahaado “Intaad karto qabo si intaan isla qabaney aan u korino”.

Qalinkii.

Abdiaziz ShSalah.