Gudoomiiyaha Baarlamaanka oo Ugu Baaqey Musharaxiinta Xilka Madaxweynenimo In Ay Dhowraanj Jadwalka Doorashooyinka

0
24

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cimaan Jawaari ayaa ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya in ay ilaaliyaan islamarkaana dhowraan shaqada iyo waajibaadka u yaala gudiga qabanqaabada doorashada.

Xarunta Villa Hargeysa ayeey ka soctaan isdiiwaangalinta, waxaana mashquul ah gudiga oo halkaa ku qaabilayay musharixiin kala duwan kuwaa oo qaarkoona is diiwaangaliyay.

Musharixii ugu horeeyay ee tagay goobta doorashada ayaa noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed oo is diiwaangaliyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddiga doorashada madaxweynaha in ay shaqeeyaan si hufan ,islamarkaana ay ilaaliyaan laftirkooda Jadwalka doorashada.