Qaramada Midoobey oo Cambaareysey Weerarkii Shaley Ka Dhacay Hoteel Dayax

0
40

Qaramada midoobey ayaa si adag uga hadashay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu bartilmaameystay hoteelka Dayax ee degmada Waabari.

Afhayeen u hadlay QM oo lagu magacaabo Joseph Contreras ayaa sheegay in qaraxyadii shalay ka dhacay hotelka Dayax ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgelinaayo howlaha doorashada ee dalka socda.

Waxaa uu intaa ku darray in QM si weyn uga walaacsan tahay qaraxyada lagu qaadayo hoteelada magaalada Muqdisho,, waxaana uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay la timaado qorsho looga hortagaayo qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab.

Mas’uuliyada weerarkii shalay waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.