General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo Qarax Ismiidaamin ah Ku Dhintey

0
174

Waxaa goor dhow qarax ismiidaamin ah ku dhintay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ku geeryoodey Qarax lala eegtay Gaari uu watay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo lala beegsaday Gaariga Gen. Goobaale oo marayay Agagaarka xerada Guul Wadayaasha ee Magaalada Muqdisho.

Alshabab ayaa kol dhaweyd qirtey iney lahaayeen masuuliyada Qaraxii lala eegtay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.