Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Erdho ee Shanta Caleemood oo Shaley Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshey Magalada Muqdisho

0
325

Kulan dhexmarey akhyaarta afarta gamaas erdho iyo malaaqa shanta caleemood Malaaq Siidow Maadow Muuse ayaa waxaa lagu qabtey magalada muqdisho maalintii shaley kulankaas oo looga hadlayey qaabka loo xulaayo iyo cida u xilsaaran soo xulida ergada ka qeyb qaadan doonto doorashada baarlamaanka 2016.

Malaaqa isagoo tixraacayo hananka iyo sharuudaha loogu tala galey iney u qabsoomaan doorashooyinka wuxuu carabka ku dhuftey in malaaqa uu la tashanaayo dhamaan nabadoonada iyo samadoonada deegaanka marka ay isku af gartaana uu gudbin doono.

Kulanka ayaa waxaa uu ku dhamaadey jawi is af garad ah maadaama malaaqa uu cadeyey inuu ku maamulaayo soo xulida ergada sharuudaha hananka doorashada uu tilmaamey.

Si kastaba arintu ha ahaatee doorashooyinka xildhibaanada ayaa sanadka ka duwan sidii hore oo la isku soo magacaabi jirey sharciga cusub ayaa haatan waxaa uu dhiagayaa intii laga gaaraayo doorasho qof iyo codkii in xildhibbaanada ay soo doortaan ergoon ka socda beelaha.

[slideshow_deploy id=’27547′]