Kulankii Madasha Qaranka ee Beryahan Ka socdey Magalada oo Fashil Ku Dhamaadey

0
32

Wararka naga soo gaaraya magalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kulankii madasha qaranka ee maalmahan uga socdey magalada muqdisho hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo xukuumada federaalka uu ku dhamaadey fashil.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in hoggaamiyeyaashii ku shirsanaa magaalada Muqdisho ay shirka ku kala tageen iyadoo saxaafadda aan loo shaacin natiijada shirka kasoo baxday.

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland iyo Kan Puntland ayaa markii hore ka baxay shirka isla markaana dib ugu laabtey magaalooyinkooda.

Madaxda ayaa la sheegay in ay isku mari waayeen arrimo ku aadan aqalka sare, iyadoo ay shirka ku kala tageen natiijo la’aan.