Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Kula Dardaarmey Iney La Shaqeeyaan Laamaha Amniga

0
89

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana u dul-qaataan tallaabooyinka dheeriga ah ee lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo la filayo in dhowaan lagu qabto shir madaxeedka Dalalka Xubnaha ka ah Ururka IGAD.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in tallaabooyinka amniga lagu sugayo ay la imaan karaan caqabado dhanka dhaqdhaqaaqa bulshada ah, isagoo Shacabka ka Codsadey in ay u Dulqaataan maalmaha yar ee hawlaha shirka lagu xaqiijinayo ay socdaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhanka kale ka hadlay Hawl-gallada guud ee Amniga oo uu sheegay in si habsami leh u socdaan, dhawaanna ay shacabku maqli doonaan War ay ku farxaan oo ku saabsan dagaalka lagula jiro cadowga.

Caasimadda Somalia ayaa waxaa inteeda badan la xiray waddooyinka muhiimka ah, sida waddada Maka Al-Mukarama, waddada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo kuwa kale ee ku dhaw-dhaw.