Xildhibaan Xaaji Cali Sheekh Mad Nuur oo Deeq Lacag Ah Gaarsiiyey Gudiga Dhismaha Cisbitaalka Deegaanka Ow Cusmaan Ee Degmada Wanleweyn

0
43

Gudiga dhismaha Cisbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka ee laga hirgelinaayey deegaanka Ow Cusmaan ee Degmada Wanlweyn ayaa mahad balaaran u jeediyeen Xildhibaan Xaaji Cali Sheekh Mad Nuur isla markaana ah Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Somaliya oo kaalmo maanta ka geystey dhismaha Cisbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka ee Deegaanka Ow Cusmaan Degmada Wanleweyn.

Xildhibaanka ayaa maalilntii shaley gaarsiiyey gudiga lacag tabarucaad ah oo qiimaheedu yahay 1000 dollar taasi oo xildhibaanka ugu tabarucey dhismaha Cisbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka ee deegaanka Ow Cusmaan.

Talaabadan uu qaadan xildhibaanka ayaa gudiga waxaa ay ku tilmaameen tu ku dayasho mudan isla mar ahaantaasina ay ka dhul sugayaan xildhibaanada kale ee kasoo jeeda deegaanka iyo inta uu ilaahey deeq ku maneystey

Xildhibaan Xaaji Cali ayaa ah xildhibaanada ugu firfircoon ee kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose waxaana uu wax badan ka qabtey horumarinda degmada wanleweyn.