Shirkii Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Maanta Ka Furmi Lahaa Degmada Jowhar oo Dib u Dhac Ku Yimid

0
43

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maanta lagu waday in uu ka furmo magaalada Jowhar ayaa dib u dhac ku yimid.

Khilaafyo cusub oo ku aadan habka loo dhisaayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Soo shaac baxay , waxaana la sheegaya in qaar ka mid ah waxgaradka ay diideen in ay qeyb galaan shirka magaalada Jowhar.

Ciidamo gaar ah oo loogu talagalay in ay sugaan amniga magaalada Jowhar ayaa gaaray halkaasi , waxaana ciidamadaasi la sheegaya in ay la wareegeen amniga xarunta lagu waday in uu shirku ka furmo.

Si kastaba arintu ha ahaatee is jiidjiidkan u dhexeeya maamulka dowlada federaalka iyo qaar ka tirsan odayaasha kasoo jeeda gobolka hiiraan ayaa weli xal buuxo loo helin ayadoo xukuumada iyo igadna ay doonayaan iney ku muquuniyaan dadka kasoo deegaanadaas maamul aysan diyaar u aheyn.