Hey’ada Qaxootiga u Qaabilsan UNHCR oo Lacago Lagu Celiyo Somalida Ku JIra Xeryaha Dhadhaab Codsadey

0
47

Qaramada Midoobey gaar ahaan hey’ada qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR ayaa codsatay lacago dheeraad ah oo lagu kaabo qarashka lagu celinaayo qaxootiga Dhadhaab.

Hayada qaxootiga waa UNHCR ayaa maanta ka codsatay deeqbixiyeyaasha caalamka $115.4m oo dheeraad ah oo lagu kaabayo lacagaha loogu tala galay celinta qaxootiga Dhadhaab.  War murtiyeed maanta ka soo baxay xafiiska UNHCR ayaa lagu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay lacago kaabeyaasha Soomaaliya meelaha la geynaayo qaxootigaa loogu hagaajiyo.

UNHCR ayaa sheegtay inay horey u gudbisay codsi lacageed oo dhan $369.4m si qaxootiga Soomaaliya loogu celiyo, waa qaxootigaa Dhadhaabe.

Lacagaha ayaa waxaa ay sheegtay hayadaasi in qaarkood ceymis caafimaad loogu samayn doono qaxootigaa markii Soomaaliya la geeyo.