Alshabab oo Sheegtey In Ismidaamintii Shaley uu Sameeyey Ex Xildhibaan Saalax Badbaado

0
48

Al-shabaab ayaa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Idaacada ku hadasha afka Alshabab ee A-Andalus ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaado ayaa uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab.