Saraakiil Booliis oo kasoo Jeeda Shabeelaha Hoose oo Maamulka Shariif Baydhabo si Xun ugu Bahdilay.

1
55

Maamulka Shariif Xasan ee ka arimiya magaalada Baydhabo ayaa waxa uu bahdalaad aan lasoo koobi karin uu ku hayaa Saraakiil Booliis ah oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti usoo tababartay habmaamulka Booliiska Degmooyinka Gobolka Shabeelaha hoose,Saraakiishaan oo tira ahaan gaaraya ilaa Sideed sarkaal Booliis ayaa markoodii horeba waxaa loo soo tababaray inay la wareegaan saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose.

Saraakiishan oo ka yimid dalka Jabuuti 29kii bishii Abriil ee sanadkan 2016 kadib kolkii ay soo dhamaysteen waxbarasho ku saabsan hogaanka Booliiska heer Degmo iyo Gobol ayaa waxa uu maamulka Shariif uu ku dayacay magaalada Baydhabo oo ilaa iyo maanta ay ku sugan yihiin.

Saraakiishan oo aan ka xog wareysanay xaaladooda ayaa waxay inoo sheegeen inay horey ula kulmeed horjoogaha maamulka KoonfurGalbeed Shariif isla markaana ay kala hadleen xaaladooda iyo dhibaatooyinka ay tabanayaan isla markaana aanu waxba ka qaban cabashadooda halka sidoo kalena ay cabashadooda u bandhigeen Salaadiinta beelahooda ee Baydhabo ku sugan sidoo kalena ay waxba qaban waayeen.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay inay haatan dhibaatada ugu weyni ka tabanayaan Taliyaha Booliska Gobolka Bay Coll Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo isaga ka saaray hoteladii ay ka degenaayeen magaalada Baydhaba kana jaray Cuntadii talaabadaasi oo u muuqato mid cadaawadeed oo uu si gaar ah u muujinayo Taliyaha Booliska Gobolka Bay Coll Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo isaga shakhsiyaad ay isku beel yihiin ka ah taliyayaal saldhigyada Booliis degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose.

Saraakiishan dhibta iyo takoorkaba uu isugu daray maamulka Shariif ayaa waxay kala yihiin:

1-Axmed Maxamed Axmed(Degmada Wanlaweyn)
2-Yuusuf Cali Cumar(Degmada Afgooye)
3-Axmadey Abuukar Sheekh(Degmada Aw-dheegle)
4-Cabdicasiis Cumar Cabdi(Degmada Aw-dheegle)
5-Cabdirisaaq Cabdi Rooble(Degmada Qoryooleey)
6-Xuseen Awees Cabdi(Degmada Qoryooleey)
7-Maxamed Ismaacil Xaaji( Degmada Kurtunwaarey)
8-Sheekh Nuur Cumar Sheekh Nuureeni(Degmada Baraawa).

Mid ka mid Saraakiishan oo hadlay ayaa Yiri”Inkasta oo uu maamulka Shariif isku dayay inuu nagu bahdalo Baydhabo ayaa hadana waxaan diyaar u nahay inaan maamulka kula dagaalano helida Xuquuqdeena”Isagoo sii raaciyay

“Taliyaha Booliska Gobolka Bay Coll Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo Beeshiisa Hariin waxay dadaal dheer ugu jiraan sidii Taliyayaasha saldhigyada Booliiska degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose oo hada iyaga wada ah sidii ay u sii ahaan lahaayeen,Laakiin Anagii baa maanta soo taagan oo degmooyinkana kasoo jeedna oo weliba naloo soo tababaray howsha marka waxaan leenahay Mahad ma dhecayso in saldhig Booliis ku yaalo Shabeelaha hoose uu qof Hariin kasoo jeedo uu ka taliyo”Ayuu sii raaciyay.

Talaabadan curyaaminta ah ee maamulka Shariif oo kaashanaya maacuun damiir laawayaal ah sida Taliyaha Booliska Gobolka Bay Coll Mahad Cabdiraxmaan Aadan ay kula dhaqaaqeen Saraakiisha Booliiska gobolka Shabeelaha hoose loo soo tababaray ayaa waxay qayb ka tahay dulmiga uu Shariif ku hayo dadka kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose.

1 COMMENT

  1. Hal nin oo walaalkiin ah ayaa arki la’dihiin oo afgooye taliye magac uyaal ka ah lkn gudoomiyaasha saraakiisha iyo ciidanka Hawiye kumanaanka gaaraya waa ogoshihiin waligiin dhibka kama bexeysaan

Comments are closed.