Dowlada Kenya oo Sheegtey In La Joogo Xiligii Qaxootiga Somaliyeed Ay Dib Ugu NOqon Lahaayeen Dalkooda

0
36

Dowladda Kenya ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee ku sugan dalka Kenya gaar ahaan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ay ku celinayso Soomaaliya ayna ogtahay meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya oo ammaan ah.

Wasiirka amniga gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sagaal meelood ammaan ay diyaar u yihiin in ay kusoo celiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya .

Dowladda Kenya waxay si cad u qeexday in aysan qaxootiga ku celinaynin meelo ay ka jirto amni daro laakiin ay diyaar u yihiin in ay qaxootiga ku celiyaan goobaha ay xasiloonido ka jirto.

Khudbad uu jeediyay wasiirka amniga gudaha dalka Kenya ayuu ku sheegay in la joogo xiligii qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ay dib ugu laaban lahaayeen Soomaaliya.