Madaxweynaha Kenya oo Lacag fara Badan Ugu Deeqey Beeraleyda Khaadka ee Dalka Kenya

0
44

Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyatta ayaa labo maalmood ka hor shaaca ka qaaday inuu 1 bilyan oo shilinka Kenya ah u qoondeeyay inuu ku taageero beeraleyda qaadka kadib markii dalal badan oo midowga Yurub ka tirsan ay mamnuuceen in loo soo dhoofiyo sidaa ay qortay jariiradda STANDARD.

Madaxweyne Uhuru ayaa sidoo kale saxiixay sharci cusub oo loogu aqoonsanayo qaadka inuu yahay dalag lacag adag lagu helo (cash crop), taasoo ah tillaabo uu rajeynaayo inuu taageero ku heli doono inta aan la gaarin doorashada soo socota ee xilka madaxweynenimada.

Uhuru Kenyatta ayaa ku casuumay madaxda Meru ee ah dagmada khaadku kasoo go’o inay yimaadaan madaxtooyada si ay uga marag kacaan saxiixitaanka sharcigaa cusub; markii uu qalinka ku duugayay.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinga ayaa isna arintaa inuu wax ka qabto darteed wuxuu dhawaan taageero uga shukaansaday hoggaamiyeyaasha Meru iyo dadweynaha degmadaa asagoo halkaasi dhawaan booqosho ku tagay.

Khaadkan ayaa intiisa badan loo iib geeyaa dalka somaliya taasoo shacab badan oo somali ah ay ku duloobeen, Taasoo alaa hada jirin dowlad hor istaagta isticmaalka qaadka oo si xowli ah ugu soo batey dalka somaliya qiimo jabana ku hela tan iyo markii dowladaha yurub laga joojiyey isticmaalka qaadka.