Saraakiil Ka Tirsan Maxkamada Magalada Muqdisho oo Gaarey Baydhabo

0
33

courtWaxaa safar ku gaaray Baydhabo saraakiil sare oo ka socda maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayadoo maalin ka hor ay ka bilaabatay Baydhabo maxkamadeynta latuhunsaneyaal loo maleeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo dhawaan maqaayado magaaladaa kuyaala ka dhacay oo tobanaan qof ay ku naf waayeen tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xassan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana ka mid ah saraakiishaa Baydhabo gaaray ayaa warbaahinta u sheegay in 7dii bishan ay soo gaareen Baydhabo xubno ka tirsan garsoorka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya shalayna la bilaabay maxkamadeynta eedeysaneyaasha oo gaaraya ilaa 8 qof oo shan ka mid ah aad loogu sii tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyadii Baydhabo gilgilay.

Gaashaanle Dhexe Xassan Cali Nuur Shuute ayaa intaa ku daray in sida waafaqsan dastuurka Soomaaliya eedeysaneyaasha loo qabtay sharci yaqaano uga dooda maxkamada horteeda.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa wax lala yaabo ah in maamulka shariif xasan oo halkaasi ka dhisan in ka badan sanad uusan laheyd maxkamad xukumi karta dadka dembiyada kala duwan loo heysto waana maamulka keliya ee garwadeenada xukunka rida ay uga yimaadaan magalada muqdisho.