Wasiirka Garsoorka Arimaha Dasuurka oo beeniyey hadal Sheegayey in Dastuurka wax laga Bedeley

0
53

faraxWasiirka Wasaarada Garsoorka iyo arimaha Dastuurka Dowlada Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa beeniyay warar sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya ay badaleen dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya wax ka badal ku sameeyay qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya,laakiin uusan gabi ahaantiisa badalin,isagoona sheegay in wax ka badalka dastuurka Soomaaliya ay tahay mid ka hooreysay xukuumada Soomaaliya.

Wasiir Faarax C/qaadir sidoo kale wuxuu ka hadlay arimaha magacaabista ee ku aadan hay’adaha garsoorka dalka iyo sidoo kalr arinta ku aadan la dagaalanka masuq-maasuqa.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen gudiga banaan ee dib u eegista ku sameynaya dastuurka dalka.

 
Daafeet.Com