Unsom oo Mudo Halso Ah loogu Kordhiyey Shaqada ey ka Hayaan Dalka Somaliya

1
18

unsomGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hal sano ku kordhiyay muddada howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka oo la ansixiyay shalay oo Khamiis ahayd ayaa muddo hal sano ah loo cusbooneysiiyay howlgalka UNSOM.

Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn ay yeeshaan UNSOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna soo dhoweeyay qorsheyaasha UNSOM uu ku doonayo inuu xafiisyo ka furto goobo ka baxsan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Golaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay ballaarinta joogitaanka howlgalka UNSOM iyo ciidankii dhowaan la geeyay Muqdisho si ay u ilaaliyaan ammaanka xarumaha Qaramada Midoobay.

Golaha amaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay la timaaddo qorshe cad oo ku saabsan doorashooyinka 2016, afti loo qaado dastuurka iyo sameynta maamullo ku-meel-gaar ah. Golaha ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada-shaqeyn dhow oo ay yeeshaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka dhisan.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Riyo Been ah iyo xadalo aan jirin wax soconayo ma ahan ee 2016 iska dhaafe 18 uma jedo Qab ku Qabsomi karto Doorasho waa illaa xada ciidamo soomaali ah oo rasmi ah Lama hayo illaa Laga helo ciidamo dhab ah oo soomaali oon Mooryaantan ahayn Laga Helayo soomaaliya Dorasho kama Dhici donto Q/ midobayna maba Rabto soomaaliya in ay degto Gaar ahaan ururka IGAd oo Dan weyn ku Haysta somaliya iyo Dhaqaalo Badan Taas oon laga Gudbin aniga iima Muuqato Doorasho ma ogi in sibeen ah oon xalaal ahayn loo yirahdo Doorasho ayaa dhacday

Comments are closed.