Maamulka Siilaanyo oo Gurigiisa kala Baxay Wasiir Kuxigeenkii Hore ee Amniga Somaliland

0
32

Abdullahi_AbokarCiidamadda Ammaanka Somaliland, ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxay wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor.

Goob-jooge ka ag dhowaa guriga wasiir ku xigeenkii hore Abokor ayaa sheegay in ciidan aad u faro badan la keenay guriga kuwaas oo rasaas ridayey, halka dad taageersan wasiir ku xigeenka difaac adag galay, waxaanu dagaalkaasi socday muddo saacad iyo badh ku siman, isagoo dagaalku bilaabmay labaddii habeenimo ilaa saddexdii habeenimo.

Muddo ka dib waxa uu ciidanku ku guulaystay inay xoog ku galeen guriga, isla markaana kala soo baxeen Cabdilaahi Abokor iyo intii difaacaysay, hase yeshee waxa la sheegaya inuu guriga dhiig badani ku daatay, taas oo la sheegay inay dad badani ku dhaawacmeen rasaasta ay labadda dhinac is waydaarsanayaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in aanay ciidanku wadan wax waaran ah oo lagu soo xidho Cabdillaahi Abokor, hase yeeshee weerarkan ayaa u muuqda mid xukuumaddu kaga war celinayso warar ay ka damqatay oo Cabdillaahi Abokor Maalmihii u dembeeyey Warbaahinta siiyey kuwaas oo uu ku durayay Kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal wadaado ah oo xukuumadda ku dhex jira.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdullaahi Abokor ayaa dhawr cisho ka hor xubno wasiirada ka tirsan ku eedeeyey ururo diimeedka dunida islaamka ka jiro, isagoo sheegay in xubnahaasi magacyo badan sheegtaan sida Ikhwaan, islaax, Ictisaam iyo Al shaab, waxaanu sheegay in khilaafka xisbiga kulmiye ka jira ay iyagu abuureen si wadanka fawdo u gallo, isla markaana ay xukunka ula wareegi lahaayeen.

Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu bil kasta soo bandhigi doono arimo uu xog ogaal uu u yahay oo ay ku dhaqmaan koox wasiiro ahi.

 

Daafeet.Com