Maamulka Alshabab ee Deegaanka Buulomareer oo Shaley 3 Ruux oo ey Sheegeen in Basas ahaayee ku Fuliyey Dil

0
118

dilWararka aynu ka heleyno deegaanka Buulomareer ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay shalay meel fagaare ah ku toogteen Sadex muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney u basaasayeen dowladda Federaalka iyo Ethiopia.

Allaha u naxariistee Sadexda nin oo ay toogteen maleeshiyaadka aShabaab ayaa lagu kala magacaabi jiray Cali Isxaaq Cabdi oo 24 jir ahaa, Cismaan Mahad Cismaan oo 33 jir ahaa iyo Maraale Macallin Cali Cabdiraxmaan.

Dilka Sadexdan muwaadin ayaa waxaa aad uga xumaaday dadka ku nool deegaanka Buulomareer, waxeyna ku tilmaameen fal ka dhan ah bani’aadannimada.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Buulo mareer oo la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in Sadaxda nin ee la dilay ay ahaayeen Beeraleey, waxeyna waxba kama jiraan ku tilmaameeen basaasnimada ay ku eedeeyeen maleeshiyaadka Shabaab.
Daafeet.Com