WAFDIGA MADAXWEYNE NUUNOW MAXAA LA GUDBOON.

2
39

jw4Diyaargarow maanta 29 May 2014 Baydhabo la damacsanaa in lagu soo dhaweeyo Madaxweynha dowladd goboleedka Koonfurglabeed Mr. Madoobe Nuunow iyo Wafdigiisa ayaa baaqday. Ilo ku dhow dhow wafdiga ayaa wax ay sheegeen , in saacaddo ka hor, bixitaanka wafdiga, uu Godoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaarey uu ka codsaday wafdiga in ay safarkooda dib u dhigaan labo maalin. Arintaas ayaa waxaa la sheegay inuu codsaday Raiisul wasare Abdi Wali iyo Wasiirkiiisa Arimaha Gudaha.

Haddaba, dad badan oo taageera sidyaasadda Dowladdgoboleedka koonfurgalbeed ee lixda gobol, ayaa waxa ay qabaan ama ay aaminsanyihiin, in arintaan mar kasto oo wafdiga safarkoosa Baydhabo in dib loogu dhigaayo ay tahay arin la rabo in lagu majixaaabiyo, Dowladd Goboleedka Koonfurgalbeed. Arintaan waa wax isk cad, in wafdiga lagu mashquuliyo in mar walba oo ay damcaan inay soo baxaan in safarkooda dib loo dhigo. Dhamaaan wadahaladii wafdiga iyo dowalddana waxaa laga dhigay hal bacaad lagu lisay!

Haddaba, waxaan runtii kula talin laheen, wafdiga Madaxweyne Nuunow in ay sida ugu dhaqsaha badan, dib ugu noqdaan Baydbayo. Hadii ay dowladda doonayso inay wax qabato, mar hore ayey arimaha koonfurgalbeed ogolaan laheen. Fadlan, wax idin dhisan oo muumul ah majiraan, ee marka hore gurigiina hagaajista, oo maamulkiina iyo ciidamada ha laga shaqeeyo. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Nabada la tuugay nabad ma ahan. Ee gurigiina ayaad sharaf ku leedihiin, ee meesha sida ugu dhaso badan isaga taga.

Dowladda haday wadahadal rabto, mar hore ayaa laga arki laaha ama laga dareemi lahaa. Waqti dhameeska, waa siyaasad qiyaamo weyn ku jirto, ee wafdiga waxaan kula talineynaa in ugu dambeyn , maalinta isniinta soosocto uu ku noqdo Baydhabo.

Tan kale, Gudoomye Jawaari, fadlan, dhamaan shacabka koonfurgalbeed sharaf ayey kuu hayaan, ee ogow hadii arintaan ay xumaan ku dhamaato, waaba u egtahayee, anaga koonfurgalbeed, mar dambe dowladda Federalka arin ay waddo ha noogu keenin Baydhabo, hana isku dayin inaad soo hor kacdo. Adigaba, laguma sharfin, oo kursigaaga keliya ayaa meesha yaala, wax sharaf ah, oo aad hadda ku joogto meesha ma jiraan. Shacabkaaga ayaa Dowladda Federlaka diiday, sidaa darteed, dowladda federalka iyo shacabka koonfurgalbeed, wax ka dhaxeyndoono oo wanaag ha ma jiraan, ilaa hogaanka dowladda iyo siyaasada dowladda wax laga bedelo.

Ugu dambaytii, waxaan u sheegayaaa, dhamaan shacabka koonfurgalbee ee taageersan lixda gobol, waa inaad u diyaar garowdaaan halgan adag oo loo gali doono difaaca sharafta, caddaaladda, rabitaanka shacabka koonfurgalbeed iyo nidaamka dimuqradiyadda ay diideen Dowladda Federalka Somaliya, ee Hassan Sheikh iyo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada midoobay (UNSOM), ee Soomaliya, ee uu Hogaamiyo Mr. Nickolas Kay.

 

Abdi Sheeq, (Abdi koonfugalbeed)
koonfurgalbeed@hotmail.com

2 COMMENTS

  1. asc
    shacabka rer kofur galbeed dhamaatiinaba degel iyomirifle wall yaal cid wax noqabaneyso malahan ee anaka wax an qabsano hadan isku af an noqono wax naso dhaxgali karaan malaha haba yaraate lkn hadan anakuba kalajeeno wana laga faiida ogaada jawarey sharaf kuma ahan san ee sharafyeel nimin kaan haday wax raban adda unbay kuso dirayyan dadweynaha kofur galbeed sharaf ayad kuleedahayye hasharaf beelin hanolaato xukuumada madowe nuunoow hajirto haso jeedo indhaha fur shacabka toosa iskutiir sada dal iyo dibidba digaal diyaar halo noqdo wada hadal diyaar halo noqdo dawladeena an ogaano wablh toofiiq

  2. HUWAAYEY HUWAAYEEY caruurta ayaa lagu hurdisiiyaa Qofka weyna waa ku soo kacaa lakin waxaan u Jeedaa HUWAYEY HUWA in xada Bilawatay in ay siyaasiinta K/ Galbeed ama masuuliinta sare in ku Hurdaan Taas oo ka muuqata safarkooda wada xadalo 35 maalmood wax uga Hagaagi waayeen 2 maalin Halana sugo micneheda Qofkii yiri ayaa la weydinayaa wasir ku sheega arimaha Gudaha ma ahenynoo kii yiri ma aqonsanin wax K/ Galbed la yirahdo sidee xada loo leeyahay Ha isugano ayuu yiri Taas macneheeda waa fasiraad kale oo Qarsoon anigana aan Rabin in aan shego.. ee waxaa xaboon inta Goori Goortahay in Dib Loo Noqdo hadii kale Dadaalkii 1.5 sano iyo Barka ayuu Noqon Doonaa Xal Bacaad lagu maalay.xamar iyo masuuliinta D/ dhexe sida ay u dhan yihiin marna in ay ogolaadaan K/ galbeed lagama yaabo balse waxay ku ogolaan karaan Qasab iyo in meel cad laga istaago Gabi ahaanba soomaaliya OO jamhuuriyad in aan noqono mooyee iyo Dagaal aan waqti Lahayn in aan Galno mooyee waa racyigeyga

Comments are closed.