Bananbax Looga soo Horjeedo Mooshinka Laga Keeney Madaxweynaha oo Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho

0
178

bananbaxBananbax lagu taageerayo madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa haatan ka socda garoonka kubada cagta Banaadir ee degmada C/casiis halkaasoo ay ku sugan yihiin dad aad u fara badan.

Isku-soo-baxan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee lagu taageero Xasan Sheekh oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo dadka ka qaybgalaya ay isaga imaanayaan qaybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Bananbaxan ayaa soo abaabuley maamulka gobolka Banaadir, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay maamulka gobolka ay sheegeen inay qorsheeyeen in dibadbaxan ay kasoo qaybgalaan kumannaan qof, uuna yahay mid looga horjeedo baaqii dhawan ay soo saareen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

 
Daafeet.Com