Maamulka Isbitaalka magaalada Beydhabo ayaa walaac ka muujiyay baahi qalab iyo daawo oo ka jirta Isbitaalka xilli ay jiifaan bukaanno badan oo uu soo ritay cudur ku cusub gobolkaasi.
Agaasimaha Isbitaalka C/llaahi Cali Aadan ayaa warbaahinta muqdisho u sheegay in dhaqaatiirtu ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar u siin ,lahaayeen bukaano uu soo ritay cudur ku cusub degaanka oo ku dhaca caloosha, cudurkaas waxaa degaanka looga yaqaanaa “Bog-Fuur” sida uu sheegay agaasimuhu.
Wuxuu intaa ku daray in isbitaalku uusan heysan daawo iyo qalab ku filan si uu u daweeyo bukaanadaan oo laga kala keenay degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool.
Daafeet.Com