Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobay Phillipe Lazzarini ayaa waxaa uu sheegey roobabka oo aad u yar, qiimaha cuntada oo sare maray iyo dagaalada oo soo socda in ey sabab u noqoto xaalada somaliya in ey kasii darto.
Phillipe Lazzarini, ayaa ka digay in haddii sida ugu dhaqsiyaha badan aan arimahaasi wax looga qaban ay horseedi karto in xaalada ay kasii darto bilo kadib, qaas ahaan haddii dhaqaalaha taageerada uu yaraado ay sababi karto in mashaariicda ay hoos u dhacaan.
Isku duwaha arimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ayaa hadalkaan ka jeeday kadib markii wariyaasha uu kula hadlay magaalada Genava ee dalka Switzerland, isagoo sheegay in haddii dhaqaalahaasi todobaadyo gudahooda lagu bixin ay xaalada kasii dari karto.
Wuxuu sheegay in arintaasi ay ugu wacan tahay dib u dhaca xili roobeedka, sara u kaca qiimaha raashiinka iyo dagaalada oo kasii socda Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay sababayaan in Soomaaliya ay ku laabato abaarihii ka dhacay sanado ka hor.
Daafeet.Com