Reysulwasaaraha oo Maanta Booqasho ku tegey Degmada Qoryooleey

0
116

cabdi weliRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaye oo xalay ku hooyday Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa barqadii maanta gaaray Degmada Qoryooleey ee Gobalkaasi Shabeelaha hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa Degmada Qoryooleey kusoo dhaweeyay Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Amisom iyo maamulka Degmada Qoryooleey ee Dowladda.

Ammaanka Degmada Qoryooleey ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa la dhigay ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa hada kulamo la leh Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee Degmada Qoryooleey.

 
Daafeet.Com