Odayaasha Degmada Marka oo Dhaliin usoo jeediyey Xukuumada Cabdi weli

0
144

markaaRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa Xalay ku hooyday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose

C/wali Sheekh Maxamed Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaal, Waxgarad iyo Xubno ka tirsan Maamulka Magaalada Marka kuwaasi oo ka wada hadlay Amaanka Magaalada iyo guud ahaan Gobolka Sh.Hoose.

Odayaasha qaarkood ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya waxaana Dhaliilahaasi ka mid ahaa ,in Xukumadda Soomaaliya aysan wax  ka  Qaban Falal amaandaro oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose iyo Dagaal Beeleedyo Degmada Deegaano hoos yimaada ka dhacay.

Odayaasha ayaa waxaa kaloo ey ku dhaliileen xukuumada cabdi weli ineysan waxaba ka qaban ciidamado beeleedyada ku labisan dareyska ciidanka dowlada islamarkaana dadka dhibaatooyin ugu geysta gobolka shabeelaha hoose.

Daafeet.Com