Labo ruux oo dhallinyaro ah ayaa xalay ku dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo macallin Keenyaan ah oo wax ka dhigayay machadka ku yaalla aalkacyo oo lugu magacaabo Vision International Collage, waxaana u xaqiijiyay warbaahinta dilka macallinkan mas’uuliyiinta machadka.
Macallinka geeryooday, waxaa magaciisa na loogu soo koobay Kenith, kiyadoo isla xalay maydkiisa la dhigay isbitaalka GMC dhegaca-cadde oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa markiiba soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo baaritaan ka billaabay xaafaddii uu dilku ka dhacay, mana jirto illaa hadda cid loo soo qabtay dilka macallinka Keenyaanka ah.
Ilaa hadda war faahfaahsan kama aysan soo saarin dilka macallinka ajnibiga ah laamaha ammaanka Gaalkacyo, wuxuuna dilka kusoo aadaya xilli dalka Kenya magaalooyinka ku yaalla ay ka socdaan howlgallo lagu beegsanayo Soomaalida dalkaas ku nool.
Daafeet.Com