Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku amartay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku in uu joojiyo qorshaha dadka qaxootiga ah ee magaalooyinka jooga dib loogu celinayo xeryaha qaxootiga, ilaa laga dhageysanayo dacwad ay dad qaxooti ah soo gudbiyeen.
Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, David Majanja ayaa soo saaray amarka, kaddib markii uu helay dacwad ay soo gudbiyeen sagaal qof oo ka wakiil ah shan boqol oo qof oo qaxooti ah oo sheegay in ay maalgashi xooggan ka sameysteen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Dadka dacwadda gudbiyay ayaa ku doodaya in hirgelinta wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo sii socoshada howlgalka lagu magacaabay ‘Usalama Watch’ ay halis ku yihiin xuquuqda ay u leeyihiin in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq iyo in ay lahaadaan hanti sida uu qabo dastuurka dalka u yaalla.
Samow Muumin Maxamed oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyay ayaa tilmaamay in amarka dib-u-celinta dadka qaxootiga ah uu ka hor-imaanayo dastuurka Kenya, sharciyada ku saabsan qaxootiga iyo xeerarka caalamiga ah.
Dacwaddan ayaa lagu wadaa in dhegeysigeeda la bilaabo 27-ka bishaan May, iyadoo ay goobjoog noqon doonaan dhammaan dadka ay khuseyso.
Daafeet.com
Waa arin wanaagsan oo soodhaweyn mudan waayo sharciga maqabo in qofka iyo hantidiisa lakala musaafuriyo
Comments are closed.