Reysulwasaraha Xukumada Federalka oo maanta socdaal ku tegey Magalada Marka

1
126

Cabdi Weli SheekhRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan Wasiirada Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan ayaa goordhaweyd waxa ay gaareen Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa Magaalada Marka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose, C/qaadir Siidii, Guddoomiyaha Marka iyo Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo Magaaladaasi uga soo horeeyay.

Ammaanka Magaalada Marka ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka dhan taagan ciidamo isugu jira kuwa Milateriga iyo ciidanka Amisom oo ammaanka Magaalada ilaalinaya.

Si kasataba arintu ha ahaatee safarka reysalsulwasaaraha ayaa dadka qaarkii sheegayaan in uu salka ku hayo arimo xasaasi ah oo salka ku haya siyaasado la xiriira hishiisyadii uuu lasoo galey maamulka rasmakooni.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. maasha alaah gadoomiyaha gobolka siidi wuu ku mahadsanyahay sida wanaagsan uu usoo dhaweeyay raiisul wasaaraha noolaada siyaasiyiinteenoow

Comments are closed.