Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro Dowladda ka tirsan iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo Saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Soo laabashada madaxweynaha ayaa waxaa ey kusoo beegmeysaa xili xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay Madaxweynaha dalka ugu baaqeen inuu xilka iska casilo, kuwaasi oo Madaxweynaha ku eedeeyay inuu kasoo bixiyo waaye balanqaadyadii uu sameeyay.
Weli madaxweynaha Somalia kama uusan hadlin baaqa ay xildhibaannadu u soo jeediyeen, balse wuxuu soo gaba-gabeeyay booqashadii uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa, lamana oga jawaabta uu ka bixin doono baaqa xildhibaannada.
Daafeet.Com