Raisalwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xalay waxa uu casho sharaf u sameeyay wefdiga ka socda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Casho sharaftan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed mudane Madoobe Nuunow Maxamed, kuxigeenkiisa mudane Maxamuud Sayid Aadan, gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada mudane Xasan Biikole, wasiiro iyo wasiiro kuxigeeno kamid ah wefdiga Koonfur galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wefdiga Koonfur galbeed ayaanan weli wadahadaladii loo balansanaa guda gelin sida uu warbaahinta Koonfur galbeed u sheegay wasiirka warfaafinta Koonfur galbeed mudane Dr. Cali C/laahi Isaaq.

Daafeet.Com

