Gudmiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Osman Jawaari ayaa go’aamiyay maanta in waardiyeyaal gaar ah loo sameynayo xildhibaan walba, iyadoo lacagta la siinayo ilaalada xildhibaanada lagu daray miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaan ay ilaalin doonaan labo ruux, iyagoo xusay in xildhibaannada ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda ay iyagu haysataan ilaalo, balse kuwa aan haysan oo keliya loo sameynayo ilaalada gaarka ah.
Go’aankan waardiyaha loogu sameynay xildhiabannada aan ilaalada lahayn ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadyo ka hor laba xildhibaan siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho laba maalmood oo isku xigta, iyadoo mid kalena la dhaawacay halka xildhibaan kalena uu ka badbaaday isku-day lagu qaarijin lahaa.
Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay sii wadayso bartilmaameedsiga xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taasoo walaac xooggan gelisay dhammaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Daafeet.Com