Gudomiyaha Gobolka Banadir oo Maanta la kulmey Ergeyga Qaramada Midoobey u qabilsan Somaliya

0
158

mungabGuddoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay, iyadoo kulankoodu uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa.

Danjire Kay ayaa waxaa xarinta uu kulanku ka dhacay kusoo dhaweeyay dhamaan guddoomiyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, qaar ka mid ah wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Muun-gaab iyo Kay ayaa intaas kaddib yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin amniga, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii QM ay uga qayb-qaadan lahayd horumarrada ka socda gobolka Banaadir.

Muun-gaab wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ku qaabilo danjiraha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia xarunta cusub ee maamulka gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay in kulanku ka dhaco Huriwaa inay caddeyn u tahay ammaanka ka jira Muqdisho.

 

Daafeet.Com