Madaxweynaha dowlada federalka oo aan weji fiican kala kulmin Golaha guurtida koonfur galbeed somaliya

3
32

Madaxweyne-Xasan-150x150Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waa uusan hadal fiican kala kulmin Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha, ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Xooga Dalka ee Magaalada Baydhabo kula kulmay tiro yar, oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku harsan Magaalad Baydhabo,
Xildhibaanadaas oo taageero buuxda u haya Maamulka 6-da Gobol xildhibaanadaas uu la kulmey waxaa ka mid ahaa C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Maxamed Ibraahim Xaabdsade isagoo ka codsadey in Odayaasha Golaha Dhaqanka ee ku sugan Xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo, ay ugu keenaan Xarunta uu iminka ku sugan yahay.

Xildhibaanada ayaa si cad ugu sheegey madaxweynaha inaysan Odayaasha Dhaqanka u soo kaxayn karin Xarun Ciidan, laakiin ay Madaxweynaha u jeedinayaan in uu u raaco Xarunta ADC, si uu Odayaasha Dhaqanka ugu cadeeyo in uu taageersan yahay Maamulka 6-da Gobol.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa in is afgaranwaaga u dhexeeya xukuumada dowlada federlaka ee fadhigeedu yahay magalada muqdisho iyo maamulka koonfur galbeed somaliya ee lexda gobol ah uu u dhexeeyo farqi weyn taasoo la filaayo in ey isaga soo dhawaan doonaan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in caawa uu seexdo magalada baydhaba maadaama eysan weli is arkin odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha.

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. Asc odayaasha aad ii aad ayaan uga mahad elin nayaa madaama ow yahay mooQifkooda hal gudoomiyaha guurtida waxaan leeyahay naga qabo mid buuxo ma ahan garguurte iyo damjadiitka hawiye
    oday dhaQameedkii la laayay xitaa kama dan qanin asagoo sheganaayo madax weyne somali yu uyahay waa is waydiin muda waxaan leeyahay farah hanaga qaadaan beesha hawiye

  2. odayaasha dhaqanka ee konfurgalbeed somali ee 6da gobol waa inay iska illaaliyaan ninkaan culsoow la leeyahay waa nin been badan qool ma laha aayahiina ka tashta waa inuu tageeraa rabitaankiina haddiiuu diidana adinka ayaa shalay doortay kalsoonida kala noqda

  3. VIVA SOUTH WEST PEOPLE VIVA ODAY DHAQMEDYADA DHULALKENA VIVA DOWLAD KOFUR GALBEDKA SOMALIYA> KA NAXOW NAFTA WAA NACABKOW KU SAMIR GACALKOQW KU NAAH

Comments are closed.