Ahlu Sunnada Koonfurteed oo sheegay in ay u Diyaar Garoobeen Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

1
38

Aw-libaaxSaraakiisha ururka Ahlu Sunna ee maamulka gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobeen sida ay hadalka u dhigeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab si looga saaro deegaannada ay wali gacanta ku hayaaan ee ka tirsan gobolka.

Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee gobollada Koonfurta Soomaaliya Aw-libaax ayaa sheegay in Alshabaab ay cadaw ku yihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya wuxuu xusay inay muhiimad gaar ah leedahay in lala dagaalamo oo meel kasta oo ay ku sugan yihiin lagu weeraro Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa isaga oo warbaahinta la hadllaya intaa raaciyay in shacabka ku nool deegaanada ay Alshabaab gacanta ku hayaan ay ku noolyihiin xoriyad la’aan, cabsi iyo walwal la xiriira inaysan si xoriyad ah ugu noolaan karin degmooyinka ay Alshabaab kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

‘’Waxaan u diyaar-garoownay sidii aan shacabka ku dhaqan deegaannada gobollka Gedo uga dul-qaadi laheyn kooxaha dhibaatada ku haya,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollada Koonfureed Ahlu Sunna.

Waxaa uu sheegay in culima’udiinka Ahlu Sunna ay u adkaysan waayeen dhibaatada ay Alshabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed taasina ay ku qasabtay inay isku diyaariyaan dagaallo culus ay ku qaadaan degmooyinka gobolka Gedo oo ay wali gacanta ku hayaan Alshabaab.

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Kkk mariixaan asagaaba cunsuri ah ee dadka kala faquuqaya alshabaab ka daran waa in la iska dhacshaa ahlusanada ey shegeyaan waa is xulufeysi morayaan aan diin ku salaysneen ee waa in laga hortagaa .

Comments are closed.