Burcad Badeeda Soomaaliya oo Madax Furasho u Heshay 400 Milyan

0
29

Burcad-badeed-madax-furasho-Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ee ka howgala Geeska Afrika ayaa madax-furasho ahaan u helay lacag gaaraysa $400 milyan, muddadii u dhaxeysay sanadihii 2005 ilaa 2012, sida lagu sheegay warbixin ay soo wada saareen Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka.

Warbixintu waxay sheegtay in lacagtaas xooggeeda aanay qaadan burcad badeedda, balse ay gacanta u gashay dad maalgashi ku sameystay kooxahaas, kuwaas oo lacagta u sii isticmaalay fal-dambiyeedyo ay ku jiraan ka ganacsi hub iyo tahriibinta dadka.

Shakhsiyaadka laf-dhabarka u ah maalgashiga burcad badeedda waxay qaateen 30 boqolkiiba ilaa 50 boqolkii lacagtii madax-furashada ahayd ee la qaatay toddobadaas sano.

Warbixinta ayaa ku talisay in la dabagalo dhabbayaashii la isugu kala gudbiyay lacagtaas.

Stuart Yikona oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in aanay burcad badeeddu caqabad ku ahayn oo keliya xasilloonida iyo amniga, balse ay awood u leedahay qalqal-gelinta dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo shisheeye oo ka hor tagaya falalka burcad badeedda oo bilooyinkii la soo dhaafay hoos u dhacay.

 

 

Daafeet.Com