5 Ruux oo Ku Dhimatay Degmada Shalanbood, Kadib Markii uu Ku Soo Dumar Darbi

0
88

shalanboodWararka naga soo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen kadib markii sida la sheegay uu ku soo dumay darbi ay hoos-fadhiyeen gellinkii dambe ee shalay.

Maxamed Cismaan Yariisoow oo ah guddoomiyaha degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa warbaahinta u sheegay in shantan qof ay ahaayeen dad waaweyn uuna si lama filaan ah darbigu ugu soo dumay, xilli ay harsanayeen.

“Waxaa ku soo dumay dadka dhintay darbi ay hoostiisa fadhiyeen. Allaha u naxariisto, sidoo kale waxaa dhaawac uu ka soo gaaray hal qof oo haweeney ah, taasoo dhaawaceeda loo qaaday Muqdisho,” ayuu yiri Yariisow.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in mid ka mid ah dhacdadaas ku dhintay loo qaaday magaalada Muqdisho oo ay waalidkiis joogeen, halka intii kalena isla shalay lagu aasay deegaanka Shalaanbood.

Waxaa markii ugu horeysay oo mar kaliye degmada Shalanbood sida oo kale mar kaliya ugu dhintaan shan ruux dhacdo tan oo kale ah, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada.

 

 

Daafeet.Com