Madaxweynaha Dowlada Federlka Somaliya Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtey

0
34

xasanMadaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Muqdisho dib ugu laabtay ayaa sheegay in dowladda ay dajisay qorshayaashii loo isticmaali lahaa lacagta loogu yaboohay Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan sidii looga faa’iideysan lahaa mashaariicda la doonayo in laga fuliyo Soomaaliya.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in uu kulamo xasaasi ah la soo qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka, oo ballaan qaaday in dowladda Mareykanka ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagi laheyd.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in magaalada New York uu kula soo kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo mar kale u muujiyay sida Qaramada Midoobay ay u daneyneyso in Soomaaliya dib u dhis lagu sameeyo.

Madaxweynaha waxa uu warbaahinta u sheegay in New York uu kula soo kulmay madax badan oo caalamka ka kala socotay oo ka qayb galay shirkii madaxda Qaramada Midoobay.

 
Daafeet.Com