Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliyeed Xasan Sheekh oo la Kulmey Bank Moon

0
30

Xasan iyo BankMadaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku kulmay magaalada New York ayaa kawada hadlay xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dib u dhiska dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga taageero dhisidda ciidanka xoogga si looga guuleysto maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in taageero caalami ah oo ay hesho Soomaaliya lagu gaari karo xaqiijinta nabad iyo horumar wax ku ool ah oo ay gaarto Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha ay gaartay muddada sanadka ah ee ay jirtay balan qaadeyna in in garab taagnan doonan mar walba dowlada somaliyeed.

 

Daafeet.Com