Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki Moon oo ku baaqey in lala dagaalamo Alshabab

0
41

bankiXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay la dagaalanka Alshabaab oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen dowladaha Talyaaniga iyo Ethiopia ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxda Alshabaab.

Banki Moon Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa furay shir ay soo qabanqaabiyeen wadamada Ethiopia iyo Talyaaniga kaasoo looga hadlayay la dagaalanka argagixisada Shabaab.

Sidoo kale Banki Moon waxa uu ku dheeradaaday muhiimada ay leedahay in la xoojiyo oo la teyeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo uu sheegay iney meesha ka saari karaan argagixisada geeska Africa haddii si wanaagsan loo dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Newyork ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dadaalada ay dowladu ugu jirto sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa maleeshiyaadka Shabaab.
Daafeet.Com