Maamul Goboleedka Puntland oo Qaadacay shirka Maanta ka bilowdey Muqdisho

0
108

puntlandShir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah magaalada Garowe ugu qabteen wasiirada warfaafinta iyo maaliyada Puntland ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa ay labada ku sheegeen in Puntland ay qaadacday shirka ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Puntland Axmad Shiikh Jaamac oo ugu horayntii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya kaliya uu ku kooban yahay shirka ka socda Magaalada Muqdisho oo aan gaarsiisneyn sida uu yiri deeganada kale ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac ayaa dhankiisa sheegay Puntland inay xiriirkii kala noqotay dowlada Xasan Shiikh bishii lasoo dhaafay shanteeda,sidaasi darteedna shirka Muqdisho ka furmay aanan lagu casumin dowlada Puntland,cidna aysan ka matalin dadkeeda.

Maamulka Puntland ayaa cadeeyay in waxwaliba oo kasoo baxa shirka Magaalada Muqdisho aysan aqbali doonin.

 
Daafeet.Com