Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Magalada Muqdisho ka furey Shirweyne Qaran

0
43

xasanMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shirweyne Qaranka oo looga hadlayo dib u heshiisiinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha labada gole ee dowladda, iyadoo lagu casuumay qaybaha bulshada, sida culummada, maamullada dalka ka jira qaarkood, bulshada rayidka ah iyo dublamaasiyiin caalami ah.

“Waxaan doonaynaa in shirkan aan kaga hadlo howlaha dowladda u harsan, innagoo tusaale ka qaadanayna muddadii sannadka ahayd waxyaabihii noo qabsoomi waayay, waxaana rajeynayaa inuu saldhig u noqdo waxqabadka sannadaha soo socda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad aad u kooban ka jeediyay shirka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaa cid walba oo fikir soo gudbisa, isagoo xusay in sidoo kale ay soo dhaweynayaan dadka dhaliilsan siyaasadda ay ku shaqeyso dowladda.

Shirkan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo shan maalmood ah iyadoo looga hadli doono qodobbo ay ka mid yihiin: dib u habeynta dastuurka dalka, habka awood-qaybsiga dowladda, dib u heshiisiinta iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah.

 

Daafeet.com