Kulan balaaran oo ey isugu yimaadeen Xildhibaanada iyo Odayaasha Digil iyo Mirifle oo kol dhow ka bilodey Magalada Muqdisho

5
41

breaking nKulan balaaran ayaa kol dhow waxaa uu ka bilowdey Magalada Muqdisho kulankaas oo ey isugu imanayeen dhamaan xildhibaanada, Wasiirada iyo Odayaasha Digil iyo Mirifle kulankaas oo uu marti geliyey Wasiirka Gaashaandhiga ayaa looga doodayaa go,aanadii kasoo baxay Odey dhaqameedyada Digil iyo Mirifle.

Kulankan ayaa waxaa uu bilowdey saacad ka hor waxaana la filayaa inuu kasoo boxo go,aamo dhaxal gal ah walow ey ku kala qeybsan yihiin xildhibaanada qaarkood go,aanka laga qaadan lahaa shirka.

Wararka qaarkood ayaa waxaa ey sheegayaan ey inagu in Kooxo uu hor kacayo Wasiirka Gaashaandhiga iyo Xildhibaan Yacquub eysan ku raacsaneyn odayaasha go,aankii ey gaareen oo ahaa in la qaadaco dowlada oo la tago Magalada Baydhabo si halkaasi loogu sameeyo Maamul goboleedka 6 Gobol.

Halka qaar kale oo badana ey aaminsan yihiin in la raaco go,aanka kasoo baxay Odey dhaqameedyada Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magalada Baydhabo sida ugu dhaqsiyaha badan loo tago Magalada Baydhaba.

 

 

Daafeet.Com

5 COMMENTS

  1. Wadani DM ninka yacqub la yirahdo wa qof ka cabsanayo in laga jaro gunada yar e u ka helo dowlada hawiye and darod, ninka 2 ad fiqi wa qof asna ka shaqeya dano shisheye wuxu ka baqaya in u wayo xilkisa?
    War dadkan hadi qofki shalay asiga wax ka dhigay u amray sababta u ku diidi karo maxay tahay?
    Kulan waxan u arka mid lagu kala jebinayo xildhibanada, waxana horay lo yiri “hanqaraarac lug uma jiiso”

  2. Xildhibaanada D/M ee ka soo horheestay go’aamadii Odeydhaqameedka waa kuwii laaluusha qaatay kolkii moshinkii hore laga noqonaayey. Hadaladooda cid dhageysana ma jirto ee waqti yaan lagu dhuminin sida xildhibaan yacquub iyo kuwo kale oo asagaba ka sii liitaan oo caada-qaatayaal ah. Wasiirka difaacana abdixakim Faqi hadaladiisi ka soo qaat ma laha. Waa la ogyahay in xukuumada dhexdeeda uu hawlo ganacsi iyo dulaalinimo weligiisaba ku haysto, Faramajo ayaa sidaa u qoondeeyey inhawlaha noocaasi uu qabto. Asagana waa runtiis wuxuu fiirsanaaya shaqadiisi iyo mushaharkiisi, haddii kale waxa uu ku so noqonaya Virginia uu ogyahay waxa uu ka shaqeyn jiray. Arintani yaan qiimo loo yeelin, keliya waxaa laga fiirshaa ruuxa hawshaasi ku dhaqaaqay waxa uu yahay.

    Mida uGu muhiimsan waxa weye in odayaasha dhaqanka la taageero, laguna taageero hiil iyo hooba. Waa in aan garab istaagnaa odayaasha. kuwa wasiirada iyo xildhibaanada ka ah Muqdishu waxaa soo doorteen odeydhaqameedka, ayaga ayaa ka weyn oo kala ceyrin karaa laga soo bilaabo midka uGu sareeya baarlamaanka ilaa kan uGu hooseeya ee ka tirsan digil iyo mirifle Odayaasha dhaqanka aan ka codsano in abdixakin kala laabtaan kalsoonida ayna ka hadlaan idaacadaha iyo in ka sheegaan in abdixakin laga bilaabo saacadan uu na matalin ee calooshiisa u shaqeysto, oo khaa’in ah oo weligiisi dadkiisi waxba u qabanin ee cadowga la safto. Kuwa xun Ilaahay ummadda ha ka qabto Aamiin

  3. masha allah, waxaan filahaya in uu noqon doono.

    Baaq walaaliyow , cadow badan ayaynu leenahay maanta dhulkeena ayaa nalaga gumeysanayaa.

  4. maasha alaah waxaan ka rajaynayaa inuu ilaahay kadhigo kii ugu wanaagsanaa ebed u fidhiistaa digil iyo mirifle shirkaan Aamiin Aamiin

Comments are closed.