Dhegeyso:- Xildhibaan Khalid Cumar Cali oo iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyey Xildhibanada kasoo jeeda Gobolka shabeelaha hoose

4
58

deg AfgooyeWaxaan qadka telfoonka ku tiigsaney xildhibaan Qalid Cumar Cali oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka shabeelaha hoose in mudana kasoo muuqdey siyaasada digil iyo mirifle kana mid ahaa xildhibaanada tan iyo markuu bilowdey dagaalka sokeeye.

Xildhibaanka ayaan ka wareysaney dhibaatooyinka ay ka sheeganayaan maamulka gobolka iyo degmooyinka shabeelaha hoose taasoo aheyd in xildhibaanada kasoo jeeda gobolka eysan wax xirir ah la laheyn degmooyinka ey matalaan.
Xildhibaanka ayaa wuxuu inoo sheegey ineysan arintaas waxba ka jirin oo ay ka war hayaan deeganada ey matalaan eyna isku xiran yihiin xildhibanada iyo odey dhaqameedyada maalin walbana ey iska war qaataan.

Sida eynu ka war heyno gobolka shabeelaha hoose waa gobol dhibaatooyin badan soo marey shacabkiisana ey soo mareen dhibaatooyin badan qaar badana ey ku jiraan xerooyinka ku yaala gobolka banaadir ayagoo kasoo jeeda deegaanka ugu qeyrka badan ee dalka somaliya.

Balse waxaad moodaa in arimaha uu ka hadley xildhibaanka ey yihiin kuwo ka fog xaqiiqda dhahbta ah ee ka jirta deegaan sababtoo ah 21 sano ee uu dagaalkla sokooye ka jirey dalka somaliya deegaankaas asaga ah waxaa soo gaartey dhibaatooyin badan welina lama arag xildhibaan u dhashey deegaanka oo inuu idaacadaha yimid oo ka hadley deegaankaas marka laga reebo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Sharciyo badan ayey dowladahii kala duwanaa ka ansixiyeen deegaankaas asaga ah xildhibaankuna intaasba wuxuu ahaa xildhibaan matalayey deegaankaas asaga ah.

 

Bal Nala dhegeysta waresigiisa iyo sida uu isku difaacey idinkana nala qiimeeya

Finale Khalid
Daafeet.Com

4 COMMENTS

  1. He is a sold out politician hawiye ayuu kaba qaad u yahay doonfaar calool weyn leh. Waa lagu shaqeystaa waa kuwa ugu liita.

  2. Hadda cid Khaalid siyaasada DM u hadlo loogama baahna time is over, kala qeybin kaliya ayey u hadlaayaan. Khalid gaar ahaan waa camiilka uGu weyn ee dowlada dulmi doonka ah, xitaa waxaa u sii dheer in casumaadihii shirka September 2 ka dhacaaya Somalia uu u direy oo kaliya dad u badan Hawiye iyo 2 qof oo sxbo yihiin oo DM jooga USA

  3. asc dhamaan wllha daafeet.com waadkumahadsantihiin baraarujinta aadkuwadaan dadka g sh hoose oo aad usoogud bineysaan wax yaabaha quseeya g bolkeena intaaskadib waxaanleeyahay sh hoose waa gobolka uga wanaagsan soomaaliya hadana waagobolka ugu nasiibkadaran sh war badan uma baahno waxaalugooyey waa mifnimo la aanta dadka g blka heysata taasna waxaa u asal ah odayaasha dhaqanka oo noqdey wada afarjeebla yaal aanka neheynindadkooda ee kaliya fiirsada dhaqaale yar xildhibaano waxaanoo ah dad laaluush lagaqaatey waxaa ay kuleeyihiin jeebkeyga ayaa kursikuheley ee rer sh hoose kursi ima saarin marka waxaan baaq udiraayaa dhalinyarada gobolka udhalatey war waxaan leeyahay dhulkeena aan utashano xildhibaan iyo odayaal waad aragteen ee dhalin yarooy jiifka aanka kacno oo aan maamul usameysano dhulkeena

Comments are closed.