Dhegayso…Maxamed Xasan Xaad"Inta badan oo lacaro geliyo dowlada ayay dhibaato ku tahay"

0
37

Axaad

 

 

 

 

 

 

 

Iyadoo ay isa soo tarayeen dhaliilaha iyo diidmada loogaga soo horjeedo heshiiskan ay Dowlada Federalka Soomaaliya ay la gashay shaqsi Ajnabi ah misna weli ay gacmihiisu ka qubanayaan dhiiga shacabka oo lagu magacaabo Axmed Madoobe ayaa kuwii ugu danbeeyay waxaa si caro ku jirto ku muujiyay Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad wuxuuna sheegay in wax laga wanaagsan yahay ay tahay in Itoobiya lagu qabto shir Soomaalida lagu heshiisiinaayo oo xal wanaagsan keeni kara.

Maxamed Xasan Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Dowlada Soomaaliya ay Axmed Madoobe la gaartay aanu ku soo kordhinaynin dalka waxaan dagaal ahayn sidaa daraadeedna loo baahan yahay dowladu inay ka noqoto ama cadayn ka keento waxa ku riixay heshiis sidan oo kale ah oo 99% shacabku kasoo horjeedaan.

Halkan ka dhegayso

Unknown Album