Dhegayso…Xasan Shiikh "Heshiiska waxa uu ahaa mid aan aad u tanasulnay"

0
40

xasan

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha dowladiisu ay burburka bilowday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu maanta ka hadlay heshiis beenaadkii magaalada Addis Ababa wakiilkiisu kula gaaray Arbacadii lasoo dhaafay kooxda dhulboobka ah ee uu horkacayo Burcad Axmed Madoobe.

Xasan ayaa ku tilmaamay heshiis beenaadka inuu yahay mid lagu xallinayo mashaakilaadka ka taagan Jubbooyinka wuxuuna xusay in shirar dib u heshiisiin ah oo lagu dhameystirayo heshiiskaas ay ka kala dhici doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Xasan oo ka hadlayay heshiis beenaadka ayaa yiri: “Heshiiskaas wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid…. iyadoo dowladdu wax badan ka tanasushay maamulkuna wuxuu ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa…. Heshiiskaas waa mid billow ah wuuna sii socon doonaa inta laga dhameystirayo….dowladuna waxay diyaar u tahay inay ka hor-tagto wax kasta oo keenaya colaad kusoo laabata deegannadaas.”

Halkan ka dhegayso

Unknown Album