Alshabab iyo Ciidamada dowlada oo xaley ku dagaalamey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool

0
52

Alshabaab-dagaal1Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saqdii dhexe ee xalay ay weerar ku qaadeen degmada ceelberde, degmadaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, dabadeedna halkaas uu dagaal xooggani ka dhacay.

Wararka laga helayo saakay degmada Ceelbarde ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay daggan tahay, ayna weli halkaas joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiiya, iyagoo aan weli ka hadlin dagaalka.

Dagaalkan ayaa wuxuu imaanyaa iyadoo maalmo ka hor ay dhinacyadani kala qabsadeen deegaanka Rabdhuurre oo ka tisran gobolka Bakool, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo kooban.

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay sida aadka ah isugu hayaan dowladda Soomaaliya – oo gacan ka helaysa ciidamada Itoobiya- iyo Al-shabaab, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu la wareego maamulka guud ee gobolkaas.

 

Daafeet.Com