Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Somaliya oo soo dhaweeyey hishiiska Dowlada Federalka iyo Axmed Madoobe

0
30

Nicholas-KayWakiilka Xog-hayaha Guud ee ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay magaalada Addis Ababa ay ku gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Kay ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo ka qeyb qaadan karta soo celinta nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay labada dhinac inay hir geliyaan qodobbada lagu soo kala saxiixday heshiiska iyaga oo eegaya tallaaba kasta oo heshiiska lagu hirgelinayo.

Waxa uu hambalyo u diray hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 
Daafeet.Com