Kooxo hubeysan oo xaley toogtey Taliyaha Ciidanka Nabadsugida ee Degmada Kaxda

0
36

dilKooxo hubaysan ayaa Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir waxa ay ku dileen taliyihii ciidanka Nabadsugida ee Degmadaasi xalayto.

Falka dilka taliyaha ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii wadada loo galay taliyaha iyo ciidan la socday sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Kaxda.

Israsaaseyn kadib waxaa halkaasi ku geeriyooday Khaliif Maxamuud Cali oo ahaa taliyihii ciidanka Nabadsugida ee Degmada Kaxda,iyadoo saaka lagu aasay Degmadaasi.

Guddoomiyaha Kaxda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan kooxaha dilkaasi geestay,wuxuuna sheegay inay ku raadjoogaan.

 
Daafeet.Com