Taliyaha Cidanka Boliska ee Gobolka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan oo ka hadley weerarkii loo geystey

0
17

col-mahad2Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka war bixiyay weerar uu ku dhaawacmay oo maalin ka hor ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab xilli uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho inta u dhexeysa deegaanka Leego iyo Yaaq-Baraweyne.

Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in weerarku uu uga dhintay hal askari isaguna uu dhaawac fudud ka soo gaaray, haatanna uu dhaawaciisu yahay mid uu ka wanaagsanaaday.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay ammaanka waddada u dhaxeysa Baydhabo iyo Muqdisho oo uu ku tilmaamay in la isku halleyn karo ammaankeeda oo ay sugeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sugida Amaankka wadadn ayaa ah mid ay ku dadaalayaan ciidamada dowlada sida uu sheegey Talaiya balse ma aha mid sahlansababtoo ah mar mar isbaarooyinka ciidamada dowlada ayaanba laga baxsan karin hadii laga baxsado weerarada ey soo qaadayaan kooxaha Alshabab ee ku dhufo ka cararta ah.

 

 

Daafeet.Com