Ciidamada Alshabab iyo kwa Puntland oo ku dagaalamey Degmada ceelayo

0
34

puntaland ciCiidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ku dagaalamey deegaanka Ceel-dibir oo ka tirsan degmada Ceelaayo ee gobolka Bari oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa haddana wararka laga helayo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay kasoo gaartay labada dhinac dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda rasmiga ah la ogeyn.

Afhayeenka Al-shabaab ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka, balse wuxuu sheegay in khasaare xooggan ay u geysteen ciidamada Puntland, ayna ku qasbeen inay dib ugu laabtaan goobihii ay markii hore kasoo duuleen.

Maamulka Puntland kama aysan hadlin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay, balse ilo wareedyo hoose oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaare kasoo gaartay, sidoo kalena ay dileen lab aka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab laba kalena ay nolol ku qabteen.

Wararka laga helayo dhinaca Puntland waxay intaas ku darayaan in gaari ay ciidamada Puntland wateen uu rogmaday markii laga soo laabtay dagaalka ayna ku dhaawacmeen saddex askari oo ka mid ahaa kuwii saarnaa.

Daafeet.Com